Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa ammaanay guusha ay gaareen xulka qaranka Nigeria isla markaasna ku tilmaamay kuwo aanan laga adkaan karin.
Waxaa uu sheegay in dhammaan shacabka dalkiisa ay dhuur sugayaan natiijada ay xulka qaranka kasoo hoyiyaan Koobka Qaramada Afrika ee hadda socda dalka Masar.
Xulka Nigeria ayaa Koonfur Afrika kaga badiyay 2-1, waxay Nigeria ugu gudtay ciyaarta nus dhammaadka ee Koobka Qaramada Afrika.
Goolasha waxaa xulka Nigeria uu kala dhaliyay William Troost-Ekong iyo Samuel Chukwueze.
Nigeria waxay Axadda la dheeli doontaa kooxaha usoo gudba ciyaaraha nus dhammaadka gaar xulalka Ivory Coast iyo Algeria oo ay ku xiran tahay midka soo baxa.
Senegal waxay 1-0 kaga badisay xulka Benin, sidaas ayay ugu gudubtay nus dhammaadka.