Muddadii loo qabtay Dadka degan dhulka Dam damiska oo maanta ku eg iyo Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay

Madaxweynaha   Dawlad  goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa soo farageliyay Xiisadii ka taagneeyd  Xaafada Dab damiska  maanta oo sabti ah ay ku ekeyd  mudadii loo qabtay  Qosas ka degan xaafadaasi in ay ku guuraan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa  qaabilay guddi odayaal ah oo ka socday dadka dagan dhulka xerada dab damiska oo dowlada Fedaraalka amartay in laga guuro qwaxaana ii u sheegay in ay is dejiyaan islamarkaan dib loo dhigay muddii loo qabtay oo ahayd in Qoysaska Xaafada Dabdemiska ay ku guuraan.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa odayaasha ka socday dadka degan dab damiska u balan qaaday in maanta oo ku beegan waqtiga ay ku eg tahay mudadii dowlada u qabatay ineysan cidna u imaan doonin oo ay sii dagananayaan guryahooda.

Sidoo kale , Madaxweyne Qoor qoor ayaa ka dalbaday dadka dagan dhulka dab damiska in dhankooda ay is dajiyaan oo ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara dhibaato, wuxuuna faray odayaasha iney iska soo saaraan guddi kooban oo uu la kulan siinayo madaxda sare iyo kuwa amniga si ay ugala hadlaan tabashadooda.

Talaabadaan ayaa kusoo beegantay , iyadoo mudadii ay dowladda Fedaraalka u qabatay dadka dagan xerada dab damiska iney ku guuraan ay ku beegan tahay maanta oo ah 20ka Apriil , islamarkaana dadka dhulkaas dagan ay sheegeen ineysan ka guuri doonin  illaa iyo inta ay dawlada ka siineyso dhul ay degaan.