Ma ahan war u wanaagsan Jamaahiirta Real Madrid iyo xiddiga da’da yar ee reer France Raphael Varane kaas oo la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono dhamaan bisha April waana bisha ugu xun ee koxodiisa ay kusoo fool leeyahiin kulamo waaweyn.
Real Madrid bisha April waxey wajahi doonaan Atletico Madrid [Madrid Derby], sidoo kalana waxey la kulmi doonaan dhamaadka Barcelona kulanka [El-Clasico] halka ay Bayern Munich laba kulan la ciyaari doonaan minan iyo marti [Quarter finalka Champions League].
23-jirkaan ayaa kasoo laabtay kulankii Deportivo Alaves dhaawac muddo bil ah uu kaga maqnaa garoomada, balse 11-daqiiqo kaliya ayuu ciyaray ka hor inta uusan dhaawacmin.



