Mucaaradka Suuriya oo sheegay in ay weerar culus ku qaadayaan Daacish

Taliyeyaasha mucaaradku waxay rayidka ugu baaqeen in ay ka fogaadaan fadhiisimada Daacish

Xoogaga mucaraadka ah ee isugu jira Kurdiyiinta iyo Carabta ee Maraykanku taageero ayaa sheegay in ay bilaabayaan hawlgal ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Raqqa oo lagu sheego “caasimada” dowladda Islaamka.

Xoogagan oo lagu magacaabo Xoogaga Dimuqraadiga Suuriya, ayaa sheegay in ay taakulo cirka ah ka heli doonaan xulafada Maraykanku hogaaminaya marka ay bilaabaan weerarkooda saacadaha soo socda.

Waxa kale oo ay digniin u direen rayidka ku nool magaalada oo ay u sheegeen in ay ka fogaadaan goobaha fadhiisinnada u ah kooxda Daacish.

Isbahaysigan ka kooban Carabta iyo Kurdiyiinta ayaa hore uga qabsaday deegaanno ku yaal xaga woqooyi ee magaalada Raqqa.

Hawlgalkoogani wuxu ku soo beegmayaa iyadoo ay wadaan ciidamada Ciraaq ee Maraykanku taageerayaa guluf ay ku hayaan Daacish oo ay doonayaan in ay magaalada Mosil ee fadhiisinka weyn u ah kooxdan ay kala wareegaan gacan ku haynteeda.