Mucaaradka Kenya oo ka soo horjeestay in la badalo Hanaanka loo qabanayo Doorashada

Kenya-RisaalaFM- Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa ka soo horjeestay talaabada ay Baarlamaanka dalka Kenya ee Xisbiga Jubule raacsan wax uga badalayaan Hanaanka loo qabanayo Doorashada.

Mr. Raila oo shir saxafadeed ku qabtay xarunta Okoa Kenya ee magaalada Nairobi oo Mucaaradka looga arrimiyo ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Uhuru iyo Ku xigeenkiisa William Ruto in Kenya ay dib ugu celiyaan Hanaanka kali talidninada ah, balse ay ka dhiidhin doonan iyaga oo kaashanaya shacabka dalka Kenya.

Dhanka kale waxaa uu balan qaaday in Banaanbaxyo nabadeed oo Guud ahaan dalka Kenya ay ka dhigi doonan Todobaadka soo aadan.

Ugu dambeyn waxaa fashil ku dhamaaday wadahal Saddex geesood ahaa oo dhaxmari lahaa Xisbiga haya talada dalka ee loo yaqaan Jubule isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA iyo Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha dalka ee IEBC kadib markii Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda ay wax ka badalka Hanaanka Doorashada qaabka loo qabanayo meel mariyeen.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, dalka Kenya