Tababare Jose Mourinho ayaa si daran u dhaleeceeyay weeraryahanada Manchester United kuwaas oo ku guuldareystay ineysan dilin ciyaarta qeybtii labaad.
Jose Mourinho wuxuu aad uga carooday in wiilashiisa ay dili waayeen ciyaarta xilli daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta ay Anderletch barbaro kula timid tasoo hor istaagtay guushii Red Devils ay kasoo qaadan laheyd Belgium-ka.

“Natiijadu waxey aheyd iney ka wanaagsanaato, waana inaan eedeynaa nafsadeena sababtoo ah, waxaan ciyaarnay kubad fudud qeybtii dambe, mana aanan qaadin weeraro dareen leh” Ayuu yiri Jose Mourinho.
“Waxaan kubadda u luminay si fudud dhawr jeer, waxaan joojinay weeraradii rogal celiska ahaa sababtoo ah waxaan u ciyaarnay si habacsan inagoo qaadanay go’aano habacsan”
“Hadii aan ka mid ahaan lahaa daafacyadeena, waxaan aad ugu xanaaqi lahaa ciyaartoyda weerarka, sababtoo ah waxey aheyd iney ciyaarta dilaan mana aysan sameynin”
“Go’aanada waxey ahaayeen qalad, sida cad kan kaliya ee ka saxnaa wax walba oo kale, waqtiga, taabashada iyo go’aanada wuxuu ahaa darbadii Paul Pogba, taasoo uu si wacan u badbaadiyay goolhayaha”


