Mohamed Elneny oo ka hadlay rajada kooxdiisa iyo kulanka Bayern Munich

Khadka dhexe Xulka Egypt iyo kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa ku adkaystay in rajada ay xilli ciyaareedkan kaleeyihiin ku guulaysiga koobab ay weli taagantahay, sidoo kalena ay diirada kuhayaan inay xasuuqaan kooxda Bayern Munich oo ay iskaga hor imaan doonaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa sabtidii waxay 2 : 0 uga adkaatay kooxda Hull City kulan uu wacdaro dhigay xidiga reer Chile Alexis Sanchez kadib markii uu Laba gool ka dhaliyay kooxda Hull.

“waxaan diirada kuhaynaa inaan si adag ugu tartano koobabka aan ciyaareeyno, sida Premier League, FA Cup iyo Champions League, sidaa daraadeed waxaan guul gaari karnaa markii aan siwadajir ah ushaqeeyno” ayaa laga soo xigtay Four Four Two.

”taasina waa sababtii aan guul lagama maarmaan ah uga gaarnay Hull City, sababtoo ah waxaa inagu soo aadan kulan muhiim ah oo aan laleenahay kooxda Bayern Munich, taasina waxay inasiineesaa kalsooni buuxda oo aan ugu safri karno kulan aad uweyn” ayuu hadalkiisa kusooxirey bur-buriyaha kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny.

Elneny ayaa mudo kadib kooxdiisa usaftay kulankii ay guusha ka gareen kooxda Hull, kadib markii uu kasoo laabtay waajibaadkiisa qaran.