Miyuu Alex Oxlade-Chamberlain Ka Walwalsan Yahay In Uu Booskiisa U Lumiyo Fabinho

Xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa wax laga waydiiyay haddii uu cadaadis dheeraad ah ka dareemayo soo laabashada Fabinho iyo Naby Keita oo dhaawacyo uga soo laabtay kooxdiisa Reds.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa boos joogto ah ka soo helay shaxda Jurgen Klopp bishii ugu danbaysay wuxuuna si joogto ah ugu soo baxayay saddexda khadka dhexe isaga oo waliba cadho wayn ka muujiyay mar badal lagu saaray kulankii Manchester United.

Laakiin waxaa hubaal ah in soo laabashada Fabinho iyo Naby Keita ay Jurgen Klopp siinayso doorashooyin badan oo khadka dhexe ah taas oo gabi ahaanba badali doonto ku tiirsanaantii Alex Oxlade-Chamberlain, Jordan Henderson iyo Gini Wijnaldum oo ahaa saddexda xidig ee kaliya ee uu ku soo shaqaynayay.

Laakiin Alex Oxlade-Chamberlain ayaa qirtay in aanu wax cadaadis dheeraad ah ku dareemayn soo laabshada Fabinho iyo Keita wuxuuna cadeeyay in markii horeba uu fahansanaa tartanka boosaska ee koox wayn oo guulaysato ah.

Ugu horayn Alex Oxlade-Chamberlain oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay soo laabashada Fabinho iyo Keita haddii uu cadaadis ka dareemayo ayuu ku yidhi: “Maya xaqiiqdii. Waxaa waajib kugu ah in aad markastaba diirada saarto oo aad qaa ciyaareed fiican ku jirto”.

“Xaqiiqdii marka uu qof kastaaba taam yahay waxaa jira tartan badan oo boosaska ah taasina waa waxay tahay in aad qayb ka tahay kooxda sidan ah, koox guulaysato ah oo ah koox wayn” ayuu Chamberlain hadalkiisa raaciyay.