Miyay Liverpool Godkeeda Biyo Ugu Gali Doonaan? Madaxda Barcelona Oo Cod Laga Qaaday

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa la fahamsan yahay inay dhinac ka wado raadinta tababaraha ugu haboon ee ay u magacaabayso kooxdeeda haddiiba ay shaqada ka caydhiso Ernesto Valverde oo haatan hoggaaminaya.

Valverde ayaa cadaadis lasoo kulmayay laga soo bilaabo kulankii ay AS Roma Champions League ka reebtay sanadkii 2018 iyadoo ay nabadarii hore cusbo marisay guuldarradii kale ee ay Liverpool kala kulmeen gudaha sanadkan.

Intaa waxa dheer qaab xun oo ay Barca ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyadoo ay haatanba jiraan warar sheegaya inuu shaqadiisa waayi karo Valverde toddobaadyada soo socda.

Il wareedka Spain kasoo baxa ee Cadena SER ayaa shaaca ka qaaday in macalinka Liverpool ee Jurgen Klopp uu kamid yahay liiska magacyada lagu dhex hadal hayo kulamada madaxda sarre ee Barcelona.

Cadena SER ayaa intaas ku daraya in inta ugu badan shaqsiyaadka sarre ee kooxdaasi ay codsanayaan in Klopp laga dhigo tababaraha xiga taas oo dhabar jab ku noqon karta kooxdiisa Liverpool oo uu wakhti wacan imika la qaadanayo.

Qaar kamida madaxda Blaugrana ayaa doonaya tababare hore qayb uga soo noqday kooxdooda sida Ronald Koeman balse waxaan meesha ka maqnayn shaqsiyaad dalbanaya tababare ka duwan oo isbedel ku samayn kara safka kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaan wakhtigan filayn inuu ka tago Liverpool balse waxa uu dhawaan sheegay inuu ka bixi karo kaddib dhammaadka qandaraaskiisa sanadka 2022 ku eeg.