Mikel Arteta Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Masuuliyadda Kabtanimada Uu Ka Qaadayo Aubameyang

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa go’aan ka gaadhay laacibka ahaanaya kabtanka Gunners xili ciyaareedkan, taas oo soo afjartay hadal-hayn maalmahanba ka taagnayd arrintan.

Laacibka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kabtanka Arsenal loo magacaabay markii masuuliyaddan laga qaaday Granit Xhaka laba bilood ka hor, laakiin waxa soo baxaya warar sheegaya in isaguna uu luminayo maadaama uu diiddan yahay inuu saxeexo heshiis cusub.

Aubameynag waxa uu ka dhacayaa qandaraaska uu kula jiro Arsenal sannadka 2021 ama 18 bilood kaddib, waxaana uu ka warwareegayaa inuu wada-hadallo heshiis kordhin ah la furo kooxdiisa.

Real Madrid, Barcelona iyo Inter Milan ayaa lala xidhiidhinayaa laacibkan in uu ku biiri doono haddii uu ku adkaysto go’aankiisa.