Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa si kulul uga hadlay dagaallada Khasaaraha geystay ee Saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in rabshadaha socdaa ay yihiin wax aan la aqbalin karin, islamarkaana cidii ka dambeysay lagula xisaabtami doono.
“Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. Danta guud waxay codsaneynaa xakameynta ugu sareysa, ilaalinta hay’adaha ay leeyihiin dhammaan iyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ah lala xisaabtami doono”
Inta badan degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Cabdicasiis ayaa waxaa ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo muddo kororsiga kasoo horjeedda iyo Ciidan ka amar qaata Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday.



