Midowga Musharixiinta oo digniin soo saaray

Golaha Midowga Musharaxiinta Madqxweynaha ayaa  war kasoo saaray Shirka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir maalintii labaad uga socda Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Shirka Dhuusamareeb uu yahay mid aan loo dhammeyn, balse ay rajeynayaan inay kasoo baxaan waxyaabo ay ku qanci karaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa ka digay in dalka ay xukumaan shakhsiyaad iyo hey’ado muda xileedkooda dastuuriga uu dhamaaday.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Midowga Musharixiinta