Midowga Afrika iyo EU oo ka digay burburka AUSSOM iyo dib-u-dhaca dagaalka Al-Shabaab.

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay caqabadaha dhaqaale iyo kuwa hawlgal ee wajahaya howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo ka digay in dhibaatooyinkaas ay halis gelin karaan guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa arrintan kaga hadlay kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee qaaradda Afrika, gaar ahaan howlgalka AUSSOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay bogaadiyeen dowladda Soomaaliya, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyagoo aqoonsaday horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hase yeeshee, labada dhinac ayaa ka digay in dhaqaale-yaraanta iyo caqabadaha hawlgal ee AUSSOM ay wiiqi karaan sii socoshada guulihii amni ee la gaaray, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga dalka kula wareegayso.

Sidoo kale, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay qiimeyso saameynta ay dhimista la qorsheeyay ee taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka UNSOS ku yeelan karto xaaladda amni iyo hannaanka kala-guurka ciidamada.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in AUSSOM loo helo maalgelin ku filan, joogto ah oo la saadaalin karo, iyagoo xusay in taageerada dhaqaale ee caalamku ay laf-dhabar u tahay sii wadista howlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.