Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa goor dhow lagu waddaa in laga soo dejiyo garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran.
Maalintii shalay aheyd ayaa lagu waday in la keeno Muqdisho laakiin sababo jira ayaa dib loogu dhigay oo ay ka mid yihiin in baaritaano lagu sameeyo waxyaabaha keenay geeriddiisa.
Khamiistii ayuu geeriyooday Cali Khaliif Galeyr xilli uu ku sugnaa hoteel ku yaalla Jigjiga, waxaana maamulka ay sheegeen in uu u geeriyooday COVID 19.



