Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Saabiriin Saylaan Cabdille, oo muddo 13 casho ah meydkeedu ku jiray tallaagadda, iyada oo la sugayay dhammeystirka habraacyada maxkamadda ee kiiskeeda.
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Gaalkacyo ayaa bulshada lagu wargeliyay in ay ka qayb-galaan salaadda janaasada Marxuumad Saabiriin, taas oo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-11-2025 lagu qaban doono magaalada Gaalkacyo.
Aaska ayaa ka dhici doona qabuuraha Gaalkacyo saacadda 4:00 galabnimo.
Go’aanka aaska maanta la qabto wuxuu yimid kadib markii Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo ay soo saartay xukunka kiiska geeridii Saabiriin Seylaan Cabdille, kiiskaas oo bulshada Soomaaliyeed si weyn uga caro geliyay.
Maxkamaddu waxay dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay mas’uuliyadda dhimashada gabadha. Hodan ayaa maxkamadda horteeda qiratay dambiga, mana aysan qaadan racfaan, inkastoo ay sharciyan u furnayd.
Sidoo kale, Cabdicasiiis Nuur Xaashi, seyga Hodan, ayaa lagu helay dambi ah dayacaad iyo inuusan ilaalin Saabiriin oo gurigiisa la joogtay. Waxaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 500 dollar.
Dhanka kale, haweenka gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay abaabulayay dhibadbaxyo ay ku dalbanayeen cadaalad, iyagoo codsaday inaan aaska la qaban ilaa kiiska si buuxda loo dhammeeyo.
Hadda oo aaska la qabanayo, indhaha bulshada ayaa u jeedsan doona sidii xukunka dilka ee lagu riday Hodan Maxamuud Diiriye loo fulin doono, iyo tallaabooyinka kale ee kiiska ka harsan.



