Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka Magaalada Gaalkacyo laga helay meydka qof lagu dhuftay rasaas badan.
Meydka qofkaan ayaa laga helay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Gaar ahaan Suuqa Xero Dayax oo ka mid ah Suuqyada Magaalada Gaalkacyo , waxaana la sheegaya in meydka xalay la soo dhigay suuqa dhexdiisa.
Madaxda maamulka Gobolka Mudug wali faahfaahin kama bixin meydka ninkaan oo la sheegay in uu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Dayax.
Ciidanka maamulka Puntland ayaa howgallo wadda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.


