Waxaa qabuuraha Iskool Buluusiya ka bilowday in ay dadku kala baxaaan meydadka eheladooda ku aasan halkaasi, kuwaas oo sanado kala duwan lagu xabaalay.
Ka dib Amar ka soo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ah iney u baahantay dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya .
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha lagu saaro dadka ku aasan.
Ehelada Dadka ku aasan ayaa tagay qabuuraha si ay meydadka ugala baxaan walow uu jiray jah wareer baahsan, warbaahinta qaar ayaa ku warrantay in dadka lagu xujeynayay warqado ay lacago siistaan si loogu fasaxo in ay lafaha dadkoodii lasoo baxaan.,



