Mesut Ozil Oo Qarka U Saaran Inuu Seego Kulanka Liverpool & Sababta Oo La Ogaaday

Kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa qarka u saaran inuu seego kulanka Liverpool ee caawa kaas oo ka dhici doona garoonka Anfield kaas oo ka mid ah kulamada 27-aad ee horyaalka.

Xiddigaan reer Jarmal ayaa la xanuunsanayay hargab waxaana loo diray isbuucii hore gurigiisa si uu kaga soo kabto balse wuu ku fashilmay inuu sameeyo soo kabsasho.

Arsene Wenger ayaa rajeynaya in wiilkaan uu fursad yar u helo kulanka Anfield ka dhacaya, balse sida muuqata wuu seegayaa ciyaartaaan,.

Si kastaba, hadii 28-jirkaan uu waayo kulankaan, waxaa la hubaa inuusan ka baaqsan doonin kulanka ay dhamaadka todobaadkaan Emirates kusoo dhaweynayaan Bayern Munich .

Xigasho Laacib