Mesut Ozil Oo Dareenkiisa Ku Soo Bandhigay Twitter Xilli Mikel Arteta Uu Wajahayo In La Ceyriyo

Mesut Ozil ayaa dareenkiisa si cad u soo bandhigay ka dib guuldaradii ugu danbeysay ee Arsenal ka soo gaartay Premier League.

Xiddiga Jarmalka oo xilli ciyaareedkan laga reebay liiska xiddigaha Gunners ee ciyaaraya Premier League iyo Europa League ayaa Twitter soo dhigay emojo ka tarjumaya qalbijab iyo waji ooyaya.

Ozil ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda iyo xiddiga ugu mudada dheer Arsenal laakiin wax kubad ah ma uusan u laadin Gunners xilli ciyaareedkan oo dhan.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa go’aan lala yaabay qaatay markii uu xididga Koobka Adduunka ku guuleystay ka saaray kooxdiisa Premier League iyo tan Europa League.

Waxayna u muuqataa inuu haatan qoomamo ka taagan yahay go’aankiisa.

Arsenal ayaa si weyn u tabeysa xiddig hal buure ah, iyagoo haatan ka dhacay kaalinta 15aad una dhow booska lagu haro.

Arteta ayaa cadaadis weyn ku jira, wauxuuna qarka u saaran yahay in laga ceyriyo shaqada iyadoo Arsenal ay badin la’ dahay todobadii kulan ee ugu danbeysay.

Ozil ayaa la niyadjabsan sida xaalka kooxdiisa uu yahay iyo sida uusan u caawin karin, waxaana la filayaa haddii Arteta uu ka badbaado ceyrin inuu Ozil ku soo celiyo kooxda bisha Janaayo.