Messi Oo Meesha Ka Saaray Xifaaltanka Kala Dhaxeeya Ronaldo

Lionel Messi ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu yahay “ciyaaryahan weyn”, laakiin waxa uu meesha ka saaray inuusan ku dadaaleyn waqtigaan inuu ka sara maro Real Madrid.

inkastoo xifaltan adag uu u dhaxeeyo xiddigaha Barcelona iyo Madrid, haddana labada dhinac ayaa markasta iska fogeeya in ay ku leg leeyihiin xifaaltan.

Ninka dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or ayaa uu sheegay Messi in uusan kula jirin tartan adag, islamarkaana uu kaliya diirada saarayo waqtigaan xaalada kooxdiisa.

Inkastoo Messi uusan wax badan ka qaban xaalada xulka Argentina,oo seefay labadii Final ee ugu dambeeyay Copa America haddana waxa uu shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Saxaafada ayaa si weyn u buun buunisa in ciyaaryahanadaan u dhaxeeyo xifaaltan adag oo ku dhisan dagaal, laakiin Messi ayaa meesha ka saaray sheekadaasi.

Waxaa jira tartan u dhexeeya labada xiddigaha ee Clasico-gada ah, laakiin Messi ayaa sheegay inuu doonayo uusan si gaar ah ula tartamin Ronaldo.

“Waxaa jira ixtiraam aan isku heyno,” ayuu u sheegay saxaafada. “Waxaan u arkaa inuu yahay ciyaaryahan sare ayuu yiri Messi.