Lionel Messi qanaraaska uu kooxda Barcelona kula jiro waxaa kaga harsan wax ka yar 12-bilood hadana ma muuqato rajo weyn in xidigaan heshiis cusub saxiixi doono.
Messi wuxuu ka niyad jabsan yahay go’aankii Neymar lagu iibiyay iyo in sidoo kale xagaagan Barcelona maamulkeeda saxiixyo waa weyn sameynin.
Sidaa darteed Messi balankii uu maamulka Barca la galay inuu qandaraas cusub saxiixo ayuu meesha ka saari rabaa asigoo la hadal haayo in xagaaga dambe Camp Nou si bilaash ah kaga tagi doono.
Hadaba Barcelona waxay ku qasban tahay inay bilaawdo ka fikiritaanka Messi la’aantiis nolol ah madaama xidigaan 10-kii sano ee ugu dambeesay siweyn kooxdan guulaheeda laf dhabar ugu ahaa.
Hadaba Barcelona sedexda cayaaryahan ee hoos ku xusan ayaa u badali karaan Messi mustaqbalka dhow ama midka dheer.



