Paris Saint Germain ayaa durba kasii fakareysa kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka, markaas oo ay Paris kusoo dhaweyn doonto Real Madrid, maadaama ay sadex ka mid ah xidigaha kooxda la nasiyay kulanka ay berito la ciyaari doonaan Troyes.
Sadexda xidig ee Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Marco Verratti laguma soo darin liiska ciyaartoyda ee kooxda, mana la rabo in wax qatar ah la galiyo sidaas darteed waa laga reebay liiska lasoo xulay.
Angel di Maria oo kulanka lugta labaad ay u badan tahay inuu badali doono Neymar Junior ayaa isnalagu soo daray liiska mana la nasin.
LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:
Alphonse Areola, Yuri Berchiche, Lorenzo Callegari, Dani Alves, Angel Di Maria, Julian Lass, Draxler, Presnel Kimpembe, Layvin Kurzawa, Giovani Lo Celso, Thomas Meunier, Christopher Nkunku, Adrien Rabiot, Kevin Rimane, Thiago Motta, Thiago Silva, Kevin Trapp and Timothy Weah.



