Maydka Wiil yar oo badda ay soo tuftay ayaa laga helay Xeebta Geel Laq ee Degmada Xamar weyne sida uu xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar weyne.
“Qofkii uu ka maqan yahay wiilkaasi maydkiisa Booliska ayaa gacanta ku haayo Finijeer ayaan galinay, CID ha tagaan Waalidiinta caruurta ay ka maqan yihiin.” Ayuu yiri Taliyaha.
Xasan Duulane Xersi Taliyaha Saldhiga Booliska Xamar weyne, ayaa intaasi ku daray Waalidiinta Somaliyed inuu fariin u diraayo, taasi oo ah in caruurtooda ay ceshtaan si aysan badda ugu dhicin, maadaama qatar badan ay ka jirto badda.
Caruur badan oo waalidiintooda ka soo dhuunta ayaa taga Badda si ay ugu dabaashaan, waxaana xilliyada qaar caruurtaasi ay la kulmaan inay ku dhintaan badda, iyaga oo aan waalidkooda ka warqabin.


