Maydka Raila Odinga oo maanta la geeyay Nairobi

The body of former Kenyan Prime Minister Raila Odinga who had been receiving treatment in India when he died, arrives at the Jomo Kenyatta International Airport in Nairobi, Kenya October 16, 2025. REUTERS/Monicah Mwangi

Diyaarad siday Maydka hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ahaana Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, kaasi oo shalay ku geeriyooday dalka Hindiya isagoo 80 sano jir ah.

Waxaa maydka soo dhaweeyay Madaxweyne William Ruto, Madaxweyne ku-xigeenka Kithure Kindiki, xubno ka tirsan qoyskiisa, iyo madax kale oo dalka ka tirsan.

Taageerayaasha Raila Odinga ayaa xoog waxaa ay ku galay garoonka, si ay u arkaan maydkiisa.