Maxkamdda Gobolka oo soo gabagabeysay Dhageysiga Dacwada Kalluumeysato Ajaanib ah

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto Rag Ajanabi ah oo lagu soo eedeyay  in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha Ajaanibta ah oo tiradod ay gaareyso 36  qof ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banadir , waxaana intii fadhiga maxkamdda lagu guda jiray la dhgeystay eedeymo ka yimid xafiiska xeer ilaalinta iyo difaaca qareenadii u doodayey eedeysanayaasha.

Ragaan Eedeysanayaasha ah oo u kala dhashay  dalalka Iiraan iyo Pakistaan, ayaa laga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xeer ilaalintu waxay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa jeedsay in Eedeysanayaashan lagu xukumo in mid kasta uu bixiyo $10 kun doolar  oo ganaax ah, isla markaana lala wareego kalluunkii ay soo jilaabteen iyo Agabkii ay wataan.

Ugu dambeeyntii ‘ Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan ayaa soo xiray Fadhiga Maxkamada warbaahinta islamarkaana sheegy ay go’aan rasmi ah ka soo saari doonto xukunka 36 nin eedeeysane ee  Ajaanibta ah oo la soo qabtay iyaga oo si sharci darro ah uga kallumeysanaya xeebaha Soomaaliya .