Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhaceysa Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasi oo lagu waday in shalay galab ay ka dhacdo Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi ayaa mudo 24-saac oo ka bilaabaneysay shalay subax u qabtay Xeer Ilaalinta inay ku keento caddeymo eedeymaha lagu soo oogay.
Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur in maanta oo Khamiis ah ay dhici doonto.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa xalay saqdii dhexe laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.
Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo shalay galab ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.



