Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo billowday dhageysiga Kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Fadhigga 1aad ee dacwadda loo heysto Eedeysane: Sayid cali Macalin Daa’uud, oo ku eedeysan Dilka Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu Racfaan ka soo qaatay Xukun ay horay ugu riday Maxkamadda Gobalka Banaadir, kadib markii ay ku heshay Eedii uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku soo eedayay, kuna xukuntay DIL-TOOGASHO AH.

Fadhiga manta ayaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ku metelayey Xeer-Ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud Saciid, uga jawaabay doodii Racfaanka Qareenadda difaaca Eedeysanaha ay u soo gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka oo ay ku durayeen Xukunkii ay Maxkamaddu ku ridday Eedeysanaha.

Sidoo kale Xeer-Ilaaliye yaxye Maxamuud Saciid ayaa ka codsaday Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir in ay diido Rafcaanka ay soo qaateen qareenada difaaca Eedaysanaha, maadaama uu yahay mid sharciga Baalmarsan, islamarkaana ay ayiddo Xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir.