Maxkamadda gobolka Banaadir oo dambi ku weyday Mas’uuliyiin uu ku jiro Maxamed aadan Jimcaale koofi

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Kiis Dacwda  musuqmaasuq ah oo loo heestay masuuliyiin ka  tirsa dowladda Federaalka  Soomaaliya, kuwaas oo dibada ku maqan Muddo ay dacwada socotay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir  ayaa dambi ah ku helin Agaasimayaashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Maxamed Aadan Koofi iyo C/qaadir Cali Cilmi (Cabdul).

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sodoo kale dambi isagana a ku weysay Muxudiin Xasan Jurus oo looyaqaan (Muxudiin  Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isgana dalka maqan, kaddib markii uu baxsaday xilli la doonayay in la soo qabto si loo  xiro.

Sidoo kale, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iyagan  saraakiil kale oo ku eedeysnaa musuqmaasuq dalka ka maqan ku riday xukunno kala duwan, kaddib markii lagu helay qaar kamid ah dembiyadii lagu soo eedeeyay lagu  helay.

Mas’uuliyiintaas la xukumay  ayaa kala  ah:

1-Maxamed Ibraahim Axmed oo maqane ah waxay ku xukuntay 4 sano oo xarig ah

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

GUgu dambeeyntii  Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in  xukunka maanta ay riday maxkamadda gobolka Banaadir Cidii aan ku qanacseyn ay racfaab ka qaadan karto Muddo 15 Maalmood ah.