Maxkamadda G/Banaadir oo mar kale dhageysaneysa Kiiska Dacwada Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhegeysiga Kiiska dacwad eedeysane ka yahay Sayid Cali Macallim Daa’uud oo horay u gubay Xaaskiisa oo uur lahayd.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ay ka socoto maxkamadeynta Sayid-cali Macallin Daa’uud ayaa waxaa ku sugan dadweyne kala duwan oo isugu jiura ehelada Marxuumad Luul Cabdicasiis , ehelada dilaaga iyo dadweyne kala duwan.

Xafiiska xeer ilaalinta dowladda ee dacwada kusoo oogay Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa la filayaa in maanta caddeymo hor leh iyo marqaatiyaal horkeenaan maxkamadda, si eedeynta dilka uu ku eedeysan yahay Sayid-cali loogu helo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaair ayaa horey u sheegay in aysan dooneyn in waqti badan qaadato maxkamadeynta Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna sheegay in kiiskan si deg deg ah go’aan looga gaari doono.

Kiiska dilka ah ee loo heesto Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, waxaana dad badan eegayaan g’aanka maxkamadda kasoo bixi doono, iyadoona wali meydka marxuumadii uu dilay ninkan wali ku jirto filinjeer.

Eedeysane Sayid Cali Macallim Daa’uud ayaa 26 kii January, 2024, degmada Dharkenley nolosha ku gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd xaaskiisa oo uur lahayd, ugu dambeyna u geeriyootay iyada iyo ilmihii yara ee caloosha ay ku sidday.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Eedeysanaha gacanta kusoo dhigay 05-02-2024 xilli uu ku dhuumaalaysanayay meel u dhow degmadda Wisil ee gobolka Mudug.