Maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC oo digniin soo saartay

Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa soo saartay digniin ka dhan wararka sheegayo in qalalaase la xiriira doorashada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ka dhaceen dalkaasi.

Dowladda waxay ku eedeysay in rabshadaha ay ka dambeeyeen taageerayaasha musharraxa mucaaradka Martin Fayulu oo ay ku eedeeyeen inay uu hurinayo rabshadaha.

Maxkamadda ICC waxay sheegtay in cid kasta oo gaysato dhibaato iyo rabshado lala xisaabtami doono.

Doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa la qabanaya Axadda nagu soo aadan 30-ka bishan December.

Dib u dhacyadii ugu dambeeyay ee ku imaanayay doorashada dalka Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa waxaa walaac xoogan ka muujinayay taageerayaasha mucaaradka, kuwaas oo ka shakisana in madaxweyne Joseph Kabila uu talada waddanka sii haya.

Joseph Kabila, oo talada dalkaasi hayay tan iyo sannadkii 2001-dii ayaa ahayd in uu ka dego madaxtinimda dalkaasi sannadkii 2016-kii.

Balse doorashooyinkii isaga lagu badali lahaa ayaa tan iyo xilligaasi dib loo dhigayay.

Haseyeeshe dib u dhacaan ugu dambeeyay ee ku yimid doorshada ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu sababo khalalaase hor leh oo ka dhaca dalkaasi.