Maxkamada Sare ee Somaliland oo ansixisay natiijada doorashadii Madaxtinimada

Maxkamada Sare ee Maamulka Soomaaliland waxa ay aqbashay natiijadii doorashadii 13kii bishan ka dhacday Somaliland iyadoo uu maanta ku qabtay shir jaraa’id Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somalialnd magaalada Hargeysa.

Doorashadii ka dhacday Somaliland ayaa waxaa ku guuleystey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyadoo ku dhowaaqista natiijada cod bixinta ay qaadatay muddo toddobaad ah.

Shir Jaraa’id oo uu xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qabtay guddoomiyaha Maxkamad Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayuu ku sheegay inaan wax dacwad ah loo soo gudbin sidaa darteedna ay ansax tahay natiijada doorashada ka dhacday deegaanada Somaliland bartamihii bishan.

Hase yeeshee xilligii ay socotay tirinta doorashada ayaa hogaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro uu eedeeyay habka ay u dhacday doorashada,sidoo kale guddi madaxbanaan oo kormeereysay habka ay u dhacday doorashada ayaa sheegay in meelaha qaarkood aysan codeynta si sax ah u dhicin iyagoo farta ku fiiqay in dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen.

Balse Musharaxii kaalinta labaad ka galay doorashada C/raxmaan Cirro ayaa markii dambe aqbalay natiijada doorashada una hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi.