Maxkamada Gobolka Nugaal ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag lagu eedeeyey inay Gabar ku kufsadeen Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaas oo 2-dii Bishaan xukun dil ah lagu riday.
Ragga Maanta la xukumay ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 5 Nin, waxana horay Maxkamada ugu riday Xukun dil ah, hayeeshee racfaan ay ka qaateen maanta xukun lagu riday.
Cabdirisaaq Cali Cabdi, Ugaas Mirre Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa saddaxdooda midkiiba waxaa lagu xukumay 20 Sano oo xariga ah 2,000 oo Dollar Ganaax ah iyo 2,000 oo Dollar oo Mehru Misilad iyo 1000 dolar oo Kabid Moradi.
Sidoo kale Eedeysanayaashaan kala ah Cadbirisaaq Axmed Cilmi iyo Yuusuf Cabdulkaahi Xirsi ayaa lagu xukumay Midkiiba 15 sano oo Xariga iyo 2,000 dolar oo Ganaaxa iyo 1,000 dolar oo Kabid Moradi ah.
Weli waxaan Maxkamad la soo taagin oo kiiskooda ay baaritaano ku socdaan 5 Nin oo loo heysto in Bishii Febaraayo ee Sanadkaan ay Magaalada Gaalkacyo kufsi iyo dil ugu geysteen Gabar lagu Magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan.



