Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa dib u fureysa kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame, kadib warqad qoraal ah oo shalay ay Taariikhdu ku beegneyd 25-ka December ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka Gobolka.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka horyimid go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku sii deysay, islamarkaana ku caddeysay in aan wax Racfaan ah laga qaadan karin, hase ahaatee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku adkeysatay inuu Racfaan ka qaato xukunkaas.
Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe ayaa soo saaray warqad qoraal ah oo uu u diray Qareenada u dooday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuna wargeliyay in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto.
Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO WARQADDA:-




