Maxey aheyd sababta uu Isco Alcaron u joojiyay iskululeynta kulankii El-Clasico?

Waxey aheyd layaab weyn in kulanka El-Clasico uusan kusoo bilaaban Isco Alcaron, balse qeybtii labaad ee ciyaarta xidiga reer Spain ayaa diiday inuu iskululeynta sii wado xilli kooxdiisa laba gool hogaanka looga hayo.

Los Blancos ayaa dhibaato baahsan dhexda ka gashay iyadoo Zidane uu qorsheeyay inuu soo galiyo ciyaarta Asensio iyo Bale, ayey dhibaato usoo hoyatay madama casaan la siiyay Dani Carvajal taasoo ku qasabtay inuu badal difaac ah keensato.

Nacho Fernandez ayaa lasoo galiyay si uu baahida daafaca kooxdisa u daboolo, balse Isco oo ugu yaraan ku fakaray ineysan fursad u banaaneyn ayaa fadhiga ku laabtay.

Jamaahiirta Los Blancos ayaa si weyn u buun-buuniyay kuwaas oo ugu yaraan is tusay inuusan xidiga ku farxsaneyn ka hoos ciyaarista Zinedine Zidane oo kulamadii ugu dambeeyay aan si fiican u adeegsan.

Balse xidiga reer Spain isaga ayaa ka hadlay oo fariin soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna qiray ineysan dhibaato jirin.

“Jooji jahawareerka” ayuu soo qoray Isco.

“Laba ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa iskululeyn ku jiray, mana rumeysni inaan afar badal fursad u heli karno”