Maxbuus isku dhex dilay xabsiga dhexe ee Garowe

Maxbuus ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa  la sheegay inuu isku dhexdiley xabsiga dhexe ee Garoowe.

Maxbuuskan oo magaciisa lagu sheegay Cali ayaa 3 dii bishan March 2021 Maxkamad ciidan ku ridey xukun 10 sano oo xabsi  ah iyadoo lagu eedeeyey inuu katirsanaa Al-Shabaab

Ninkan ayaa laga qabtay Garoowe 3 bilood ka hor xili uu kasoo degey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe lana sheegay inuu usii gudbi lahaa   magaalada Boosaaso.

Laamaha amaanku kama hadlin geerida Maxbuuskan iyo sababta keentay inuu gacantiisa isku khaarajiyo.