Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa gudoonka golaha u gudbiyay mooshin ay ka keeneyn madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Mooshinka xildhibaanada ayaa waxaa ka gudoomay gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.
Qodobada ay xildhibaanada Mooshinkaani ka gudbiyay madaxweynaha u cuksadeyn oo qaarkood xasaasi ah ayaa waxa ay kusoo koobeen ilaa sideed qodob.
Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay xildhibaanada mooshinkaani u cuksadeyn.










