Maxay tahay sababta Mareykanka uu ciidamo ugu diray dalka Gabon ?

Maaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in Wasaarada gaashandhiga Mareykanka ay ciidamo u dirtay dalka Gabon.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in ciidamo gaaraya 80 askari oo ah kuwo aad u tababaran ay u direyn dalka Gabon, si buu yiri ay ula shaqeeyaan safaarada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo, halkaasi oo uu Mareykanka ka cabsi qabo in ay ka dhacaan dibad baxyo rabsahada wata.

“Pentagonka waxa ay ciidamo 80 ah u dirtay Gabon iyadoo dalka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo ay dhawaan doorasho galeyn, waxaana helnay xog ah in mudaharaadyo rabsahada wata ay halkaasi ka dhici karaan waana sababta aan ciidamadeena si ku meel ah ah ugu dirnay dalkaasi, si ay si fudud u tagaan DRC hadii wax si noqdaan” ayuu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ku sheegay in warqad uu ku wargelinayo u diray aqalka golaha wakiilada ee Congress-ka dalkaasi Mareykanka.

Doorashada dalka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo ayaa si nabdooon ku qabsoontay waxaase xaalada ay is badashay kadib markii mucaaradka dalkaasi sheegeen in natiijada doorashada aysan ku qanacsaneyn, taageerayaashoodana ugu baaqeyn in ay ka dhiidhiyaan natiijada hor dhaca ah ee doorashada oo ay dibadbaxyo dhigaan.

Khabiira daraaseeya arrimaha doorashada Afriaka ayaa maamulka madaxweyne Trump kula taliyay in laga yaabo in dalkaasi rabsahado ka dhacaan, ayna haboontahay in Mareykanku usii diyaar garoobo si kasta oo ay xaalada isku badasho.

Dalka Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo ayaa doorashooyinkii 2006 iyo midii 2011 waxaa ka dhashay dibadbaxyo rabsahada wata oo aan kala joogsi laheyn oo bilooyina socday, waana sababta looga baqdin qabo in xaalku xumaado.

XIGASHO: Press TV.