Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa maanta ka celisay hawada diyaarad la sheegay inay Wafdi waday sare oo ka socday dawladda Itoobiya oo qorsheynaysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Hargeysa.
Duulimaadka la celiyay Ethiopian Airlines ee ETH8372 , ayaa sidatay astaanta (VVIP) , waana duulimaad la adeegsado marka uu ku safrayo qofka ugu sarreeya dalka, laana sheegin haddii diyaaradda uu la socday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya .
Atintaan ayaa sare u kacday ka dib markii Wafdi saraakii ah ay xalay gaareen Magaalada Hargeysa gaar ‘ahaan ciidanka gaar ah ee ilaalada Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo saraakiisha sare ee Itoobiya.
Sidoo kale , Dawlada Soomaaliya ayaa saacado kooban hakisay dhammaan duulimaayada ka imaanayay Itoobiya , wallow markii dambe la fasaxay diyaarad siday rakaab rayid ah oo ku degtay Hargeysa.



