Xubnaha golaha Samatabixinta Mucaraadka oo uu hoggaamiya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kubyeeshay hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa RW hore Rooble, RW hore Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xil. Cabdullaahi Carab iyo Xil. Cabdiqaadir Cosoble.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa waxaa ay ka doodeen in ay go’aan ka qaataan xaaladda soo korortay iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa kulan la filayo in dhowaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.
Kulanka Kismaayo ayaa lagu wadaa in ay isugu yimaadaan xubno xilal sare kasoo qabtay hogaanka dalka oo golaha samatabixinta ay kamid yihiin, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka ah.
Dhinacyada ayaa ku balamay inay sii wadaan kulamadooda.



