Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor Qoor & James Swan?

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtootayada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka  Alshabaab , Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug

Hase ‘ahaate, socdaalka uu maanta ku tagay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dawlad goboleedka Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli  ay soo dhawdahay doorashada Galmudug