Maxaad ka taqaanaa Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Finish).

Cumar Finish ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sidda weyn u soo caan baxay xilliyadii Hogaamiye kooxeeyda ay ku dagaallami jireen Magaalada Muqdisho.

2006 Waxaa uu ka mid ahaa  Sagaal Hogaamiye oo Muqdisho kaga dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka Argixisada,islamarkaana waxaa uu taageero ka heli jiray dowladda Mareykanka.

Cumar Mohamuud Finish Waxaa loo Magacaabay  2007 Wasiirka diinta Awqaafta Xukuumadii uu hoggaan jiray Cali Maxamed Geedi.

Waxa uu xildhibaan ka ahaa baarlamaannadii 7aad, 8aad iyo 9aad ee Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii sidda weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud.