Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeed oo dhawaan Dowladda Itoobiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya .
Maxaabiistaan ayaa Goor dhow waxaa laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qaarkood Maxaabiistaan muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka Itoobiya, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan.
Tirada Maxaabiista laga soo dejiyay Muqdisho ayaa dhan 114 qof.
Soo deynta Maxaabiistaan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.




