Maxaa xalay ka dhacay Madaxtooyadda Hirshabeelle?

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in xalay kooxo hubeysan ay Bambo Gacmeed ay ku weerareen Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Hirshabeelle.

Xarunta Madaxtooyadda ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo xalay gaaray Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulan kula jiray xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Bambo Gacmeedka ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay Bambo Gacmeedkaasi.

Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay fureen Rasaas badan .