Risaala ayaa wararka ku heleyso in xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kullan ku leh xarunta golaha Shacabka in ay ka hadli doonaan qodobo muhiim ah.
Xildhibaanada kasoo qeyb gala kullanka golaha ayaa waxa ay ka doodi doonaan oo la hor geyn doonaa Miisaaniyada 2019, oo xildhibaanada golaha ay ku kala aragti duwanyihiin.
Kullamada Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa hakad galay tan iyo markii gudoonka golaha ay isku maan dhaafeyn qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Mooshinka madaxweynaha laga keenay iyo kala diristii gudiga Maaliyada oo ugu dambeyn dib u habeyn lagu sameeyay.
Halkaan kala soco wixii kasoo baxa kullanka ay yeelanayaan xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya.


