Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeelaayaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro kulanka Maanta oo sabti ah ayna kasoo qeyb galaan, iyada oo ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

  1. Akhrinta 1aad Dib-u eegista Sharciga la-dagaalanka Burcad badeedka iyo Ka hortagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 30 April 1975

Qeybin Akhrinta 1aad

  1. A) Hindise-Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka.
  2. B) Hindise-Sharciyeedka Xuquudqa Caruurta Soomaaliyeed

Maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay kulamada Golaha Shacabka ee kooram la’aanta u baaqanaya, waxaana la filayaa in Maanta la yeeriyo magacyada Xildhibaannada ka maqan kulamada Golaha Shacabka.