Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
William Joseph Burns ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad Maxamed
Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga labada dal iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya Waxa ka jooga boqolaal askari oo ciidanka Dawlada ka taageera tababarada, qalabka, saadka iyo howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.



