Maxaa looga Doodayaa maanta Kulanka Xidhibaanada Golaha Shacabka ?

Xildhibanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Gudoonka Golaha shacabka ayaa Fariin  qoraal u diray Xildhibaanada Golaha shacabka oo lagu wargeliyay Xildhibaanada in maanta  oo sabti ah uu jiro Kalfadhi.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah:

  1. Warbixinta Akhrinta 2aad ee Heshiiska Aas -aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Africa

Qeybin:

  1. A) Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
  2. B) Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayasha

Dhowr kulan oo ay lahaayeen Xildhibaanada Holaha shacab ayaa baaqday balse Gudoonka Golaha shacabka ayaa ku Adkeeyay Xildhibaanada in ay ka soo qayb galaan kulanka Maanta .