Maxaa ka soo baxay kulanka IGAD iyo Waxgaradka Hiiraan ?

Hiiraan-RisaalaFM- Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay kulan saacado badan qaatay oo ay magaalada Beledweyne ku yeesheen Ergeyga urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey iyo Waxgaradka Hiiraan oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Warar Hoose ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wadda hadleen suurtagalnimada in la sii amba qaado wada hadalada ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gaar ahaan safarka Danjiraha ee maanta ayaa imaanaya wax ka yar todobaad kulan ku soo dhamaaday natiijo la’aan oo magaalada Beledweyne ku dhaxmaray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdi isugu jiray IGAD iyo Itoobiya.

Khilaafka dhismaha maamulka labada gobol oo soo jiitamayay ku dhawaad toddoba bilood, ayaa hadda u muuqda mid ay si toos ah ula wareegtay IGAD, kaddib markii ay dowladda federaalka ku guul-dareysatay ku qancinta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ajandaheeda siyaasadeed ee ku aadan habka loo marayo dhismaha maamulka labada gobol.

Dhowaan ayay aheyd markii War saxaafadeed ka soo baxay IGAD ay dowladda federaalka ugu baaqeen in la dar dar galiyo dhismaha maamulka labada gobol.