Maxaa ka socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ?

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Labada mas’uul kaa ay waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoggaaminaaya kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal.