Maxaa ka jira in mooshin laga wado guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland?

Waxaa maalmahan la isla dhex marayay warar ku saabsan in khilaaf uu hareeyay madaxda ugu sarreysa Dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana uu jiro dadaal lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Waxaa si gaar ah loo xusay inuu ismari waa u dhaxeeyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da  guddoomiyaha ayuu sharraxaad ka bixiyay waxyaabo badan oo la hadal hayo,waxaana uu  gaashaanka u daruuray khilaaf la sheegayo inuu kala dhaxeeyo madaxweynaha.

“Aniga iyo madaxweynaha isma hayno, meel aan isku qabanayna ma jirto, meel ay wax nagu dhex mareen oon ku kala tagnay ma jirto, madaxweynaha dhiniciisa in ay wax jiraanna u malayn maayo, way dhacdaa marmarka qaarkood in dadka ay wax kala fahmaan, afkaarahana lagu kala duwanaado”, ayuu yiri gudodomiyaha.

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cabdixakiin(Doobo Daareed) sheegay inuu qabo in madaxda Puntland ay u siman yihiin awoodda maamulka.